Itoobiya, 12 October 2025 (Dawan) –Itoobiya ayaa gaartay guul dhaqaale oo weyn kadib markii si rasmi ah ay u bilawday Khamiistii(9 October 2025) dhoofinta shixnaddii ugu horreysay ee badeecooyin ah oo hoos timaada heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Heshiiska AfCFTA oo ay Midowga Afrika aasaastay sanadkii 2018, wuxuu leeyahay himilo lagu doonayo in lagu dhiso aagga ganacsiga xorta ah ee ugu ballaaran adduunka, isagoo mideynaya 55 dal oo Afrikaan ah. Heshiiskani wuxuu hiigsanayaa inuu baabi’iyo canshuuraha iyo caqabadaha kale ee ganacsiga, korna u qaado ganacsiga gudaha Afrika, isla markaana hormariyo warshadeynta, shaqo abuurka, iyo koboca dhaqaalaha qaaradda.
Shixnaddii ugu horreysay ee Itoobiya — oo ka koobnayd hilib, miro, iyo badeecooyin kale oo beeraha ah — ayaa Khamiistii loo diray Soomaaliya, Kenya, iyo Koonfur Afrika, iyadoo lagu qaadayo gaadiidka dhulka iyo diyaaradaha. Tani waxay Itoobiya u suurtagelinaysaa inay si buuxda uga faa’iideysato suuq weyn oo mideysan oo uu sameeyay heshiiska AfCFTA.
Wasiirka Ganacsiga iyo Isdhexgalka Goboleed, Kassahun Goffe oo ka hadlayay xafladda dhoofinta astaanta ah, ayaa ku tilmaamay bilowgaas inuu yahay tallaabada koowaad ee Itoobiya ku biirineyso ganacsiga goboleed ee Afrika, isagoo muujiyay kalsooni ah in ka-qaybgalka AfCFTA uu si weyn u ballaarin doono dhoofinta dalka.
Wasiir Kassahun wuxuu sheegay in dhacdadani ay tahay “marxalad taariikhi ah oo muhiim u ah safarka ganacsiga Itoobiya, isagoo AfCFTA ku sifeeyay mid ka mid ah dadaallada ganacsi ee ugu waaweyn adduunka."








