Addis Ababa (Dawan)— Itoobiya ayaa furtay warshad cusub oo sifaysa macdanta qaaliga ah, gaar ahaan dahabka, iyadoo dowladda dalkaasi ay hiigsaneyso inay kordhiso qiimaha macdanta gudaha lagu farsameeyo, isla markaana ay sare u qaaddo dakhliga ka soo gala dhoofinta.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sabtidii ku dhawaaqay furitaanka warshadda sifaynta macdanta qaaliga ah ee Qaranka, taas oo ku taalla xarunta dhaqaalaha gaarka ah ee Bole Lemi. Mashruuca ayaa lagu hirgeliyay iskaashi dhexmaray Ethiopian Investment Holdings (EIH) iyo shirkadda Sam Precious Metals.
Sida uu sheegay Abiy, warshaddu waxay awood u leedahay inay sannadkii farsamayso in ka badan 600 oo tan oo macdanta qaaliga ah ah. Wuxuu sheegay in xaruntani ay tallaabo muhiim ah u tahay horumarinta waaxda macdanta, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo sidii Itoobiya ay u noqon lahayd xarun goboleed oo lagu sifeeyo macdanta qaaliga ah.