Addis Ababa (Dawan)– Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u beenisay eedeyn uga timid Suudaan oo ku aaddan in ay ku lug lahayd duqeyn lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Khartuum.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Addis Ababa ay “si adag u diidan tahay eedeymaha aan sal iyo raad lahayn” ee uga yimid dhinaca Suudaan, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada shacab.
Wasaaraddu waxay xustay in dowladda Itoobiya ay muujisay dulqaad, isla markaana ay ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso xadgudubyo ay sheegtay in ay uga imaanayeen kooxaha ku dagaalmaya Suudaan kuwaas oo halis ku ah amnigeeda iyo midnimadeeda dhuleed
Sidoo kale, Itoobiya waxay ku tilmaantay eedeymaha uga imanaya masuuliyiinta Suudaan kuwo “lagu fulinayo ajande ay wataan kooxo gaar ah ” oo aysan magacaabin, kuwaas oo ay sheegtay inay doonayaan inay fuliyaan danahooda gaar ah.


