Jabuuti (Dawan) – Itoobiya ayaa qorsheyneysa inay gaaska dabiiciga ah iyo saliidda ceyriinka ah ee laga soo saaro Dowlad Deegaanka Soomaalida u dhoofiso suuqyada caalamka iyadoo adeegsaneysa Marinka Jabuuti, sida lagu sheegay kulan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle la yeeshay madaxa Hay’adda Maalgashiga Dowladda Itoobiya.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Arbacadii qaabilay Dr. Brook Taye, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Dowladda Itoobiya, oo ah hay’adda qaabilsan maalgashiga Itoobiya.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), booqashada Dr. Brook Taye ee Jabuuti ayaa la xiriirtay qorshe lagu ballaarinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya, Dangote Group iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan dhinaca tamarta.
Qorshaha la horgeeyay Madaxweyne Geelle ayaa ka kooban laba weji. Wejiga koowaad wuxuu dhigaya dhismaha dhuun qaadi doonta shidaalka la sifeeyay, taas oo ka bilaaban doonta dekedda Jabuuti kuna dhammaan doonta deegaanka Daweleh ee Itoobiya.


