Addis Ababa (Dawan ) – Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay faragelin milatari, ku xadgudubka xuduudaha, iyoinay iskaashi la leedahay kooxaha hubeysan ee ku sugan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ku cad warqad diblomaasiyadeed oo loo diray Mareykanka.
Dawan ayaa si madax-bannaan u heshay oo xaqiijisay warqadda diblomaasiyadeed ee taariikhdu tahay 20kii Juun 2025, oo ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio.
Warqadda ayaa Itoobiya ku sheegtay:
“Falalkan xag-jirka ah waxay ka mid yihiin ku xadgudubka sharciyada caalamiga ah waxayna sii xoojinayaan xaaladda amni ee jilicsan ee ka jirta Geeska Afrika.”
Warqadda ayaa Eritrea ku eedeysay inay joojisay duullimaadyada Ethiopian Airlines, xayirtay hantida iyo lacagaha shirkadda, burburisay xiriirada isgaarsiineed, iyo inay taageertay kooxaha hubeysan ee ka howlgala gudaha Itoobiya.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay dadaalladii hore ee lagu doonayey in la hagaajiyo xiriirka, iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedka Wadajirka ee Nabadda iyo Saaxiibtinimada ee 2018, iyo ilaalinta Itoobiya ee qaxootiga iyo magangelyo-doonka reer Eritrea.







