Addis Ababa (Dawan)– Kumishanka Tamarta Nukliyeerka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in dalku uu qorsheynayo in uu ku bilaabo soo saarista tamarta iyada oo la adeegsanayo tiknoolojiyadda nukliyeerka muddo ka yar toban sano, taas oo qayb ka ah istiraatiijiyad qaran oo lagu xoojinayo ammaanka tamarta iyo taageerida horumarka waara ee dalka.
Cabdirasaaq Cumar, ku-xigeenka guddoomiyaha Komishanka, ayaa sheegay in waayo-aragnimada caalamiga ah ay muujinayso in barnaamijyada tamarta nukliyeerka ay caadi ahaan qaataan 10 ilaa 15 sano si loo horumariyo, hase yeeshee dalal qaar, sida Shiinaha, inay ku guuleysteen in ay waqtiyadan soo gaabiyaan. Waxa uu caddeeyay in Itoobiya ay dooneyso in ay gaarto natiijo muddo ka yar toban sano.
Sidoo kale, Cabdirasaaq ayaa tilmaamay in Itoobiya ay dhistay hay’ad qaran oo mas’uul ka ah horumarinta barnaamijka tamarta nukliyeerka, isla markaana howlaha diyaar-garowga ay horey u bilaabeen. Diyaar-garowgan ma ahan oo kaliya dhismaha kaabayaasha, balse wuxuu sidoo kale ka koobanyahay hubinta badbaadada iyo ammaanka nukliyeerka, si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.



