Addis Ababa, 14 December 2025 (Dawan)- Wasaaradda Beeraha Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in 4.6 milyan oo hektar oo dhul ah la beeri doono sannadkan, iyada oo loo marayo barnaamijyada horumarinta waraabka iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga.
Madaxa Horumarinta iyo Isticmaalka Khayraadka Dabiiciga ah ee Wasaaradda, Fanose Mekonnen, ayaa sheegay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo horumarinta waraabka ay noqotay dhaqan ka dhexjira bulshada, isla markaana ay gacan ka geysaneyso soo celinta dhulalkii la xaalufiyay.
Fanose Mekonnen ayaa intaas ku daray in barnaamijkan uu sidoo kale fursado dhaqaale u abuuri doono dhallinyarada, kuwaas oo ka faa’iideysanaya soo saarista khudaar iyo miro qiimo leh. Waxa uu xusay in ololaha ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo horumarinta waraabka uu si rasmi ah uga bilaaban doono guud ahaan dalka bisha soo socota, iyada oo diyaargarowgu si buuxda u socdo.





