Addis Ababa (Dawan) – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shaaciyay in dalkiisa uu diyaariyey in ka badan 8 bilyan oo geed-abuur ah si loogu beero ololaha qaran ee dhir-beerista sanadkan, kaas oo qayb ka ah barnaamijka Green Legacy (Dhaxalreebka Cagaaran).
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Abiy ku sheegay in geed-abuurka la diyaariyey, isla markaana la joogo waqtigii shacabka Itoobiya ay si ballaaran uga qayb qaadan lahaayeen ololaha dhir-beerista, si loo xoojiyo dadaallada lagula tacaalayo isbeddelka cimilada iyo xaalufka deegaanka.
Barnaamijka Green Legacy oo la bilaabay sanadkii 2019 ayaa noqday mid ka mid ah ololayaasha dhir-beerista ee ugu waaweyn dunida. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in tan iyo markii mashruucan la hirgeliyey la beeray in ka badan 40 bilyan oo geed, iyadoo yoolku yahay in la gaadho ugu yaraan 50 bilyan oo geed marka la gaaro sannadka 2026.