Nairobi (Dawan)- Muwaadiniinta Itoobiya ayaa noqday in ka badan 70% guud ahaan dadka muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo kuwa aan haysan dukumiinti rasmi ah ee lagu qabtay dalka Kenya muddo sanad ah, sida lagu sheegay warbixin uu soo xigtay wargeyska The East African.
Warbixinta sanadlaha ah ee ku saabsan Xaaladda Amniga Qaranka, oo uu Baarlamaanka Kenya horgeeyay Madaxweynaha dalkaas William Ruto, isla markaana ku saabsan muddada u dhexeysa Sebteembar 2024 ilaa Agoosto 2025, ayaa muujisay in muwaadiniinta Itoobiya ay gaareen 670 qof oo ka mid ah 953 qof oo sanadkaa la qabtay, taas oo u dhiganta 70.3 % wadarta guud.
Dadka Itoobiyaanka ah waxaa ku xiga muwaadiniin ka soo jeeda Soomaaliya, Burundi iyo Eritrea, sida lagu xusay warbixinta.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sababta tirada sare ee Itoobiyaanka ku sheegay colaadaha daba-dheeraaday ee ka socda gobollada Amxaara iyo Oromiya, iyo sidoo kale xiisadaha siyaasadeed ee weli ka taagan gobolka Tigree.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in kacsanaanta siyaasadeed ee Tigree iyo gaabiska galay hirgelinta Heshiiska Joojinta Colaadda ay kordhinayaan khatarta dib u soo cusboonaanshaha dagaallada, taas oo sii xoojinaysa qulqulka dadka ka tallaabaya xuduudaha.








