Qaahira (Dawan) – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Qayd, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku magacowday safiir u qaabilsan gobolka waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ee la magac baxay “Somaliland”, isaga oo ku tilmaamay tallaabadaas mid sharci-darro ah, isla markaana ah xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Guud, Jamaal Rushdi, ayaa lagu xusay in go’aankan uu si toos ah uga hor imanayo qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu ku salaysnayn wax saameyn sharci ah.
Afhayeenku wuxuu ku celiyay mowqifka adag ee dalalka Carabta, oo uu muujiyay Golaha Jaamacadda Carabta intii lagu jiray kulan aan caadi ahayn oo dhacay 28-kii Diseembar, kaas oo si cad u diiday nooc kasta oo aqoonsi ama xiriir lala yeesho gobolkaas iyada oo aan loo marin xayndaabka madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray in dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ay halis toos ah ku yihiin amniga guud ee Carabta, isla markaana khatar gelinayaan xasilloonida Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika.


