Qahira (Dawan)- Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si adag u cambaareeyey go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, isagoo adkeeyey in tallaabadaas ay tahay mid sharci-darro ah oo wiiqaysa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay ururka kadib kulanka deg-degga ah ee heer wakiillo joogto ah ayaa lagu sheegay in go’aanka Israa’iil uu qayb ka yahay qorshayaal lagu doonayo in lagu fuliyaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiin, iyo in laga faa’iideysto dekedaha waqooyi ee Soomaaliya si looga dhiso saldhigyo militari.
Bayaanku waxaa lagu xoojiyay in “Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aan la aqbali karin dhammaan isku-day kasta oo lagu aqoonsanayo ama lagu taageerayo go’aanka Israa’iil, si toos ah ama si dadban.
Ururku wuxuu ku baaqay in la qaado tallaabooyin sharci, siyaasadeed, iyo diblomaasiyadeed oo looga hortagayo tallaabadan sharci-darrada ah, isagoo ku tilmaamay in Israa’iil ay tahay awood gumeyste oo ku xadgudubta had iyo jeer sharciyada caalamiga ah, kana hor imaanaysa amniga iyo nabadda gobolka.





