Qaahira, 6 Janaayo 2026 (Dawan)– Jaamacadda Carabta ayaa si xooggan u cambaareysay booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee magaalada Hargeysa, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay isku day lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana lagu aqoonsanayo gooni-u-taagga Somaliland.
Xogahayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Al-Ghait, ayaa sheegay in booqashadaas ay tahay isku day fashilmay oo lagu doonayay in si sharci-darro ah loo aqoonsado gobol ka tirsan Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in Jaamacaddu ay gabi ahaanba diidayso wax xiriir rasmi ah ama ku meel gaar ah oo lala yeesho maamulka uu ku tilmaamay gooni u goosad, iyada oo aan loo haysan oggolaanshaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Tallabadan waxay si cad u xadgudbaysaa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika, iyo sidoo kale xeebaha Istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,” ayuu yiri Abu Al-Ghait.







