Qaahira (Dawan) – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud , iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Gobolka Geeska Afrika, xilli ay isa soo tarayaan walaacyada ay labada dhinac ka qabaan faragelinta Israa’iil ee gobolka.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga hadlay qorshaha Somaliland ay ku doonayso inay safaarad uga furto magaalada Qudus.
Sida uu sheegay afhayeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, labada mas’uul ayaa diiday tallaabadaasi, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad lahayn isla markaana dhaawaceysa dareenka malaayiin qof oo ku nool dunida Carabta iyo tan Islaamka.


