Muqdisho (Dawan) — Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta daahfurtay barnaamijka Master of Medicine Residency Program, kaas oo dhakhaatiirta Soomaaliyeed siinaya fursad ay ku qaataan tababar iyo takhasus caafimaad oo heer sare ah gudaha dalka.
Barnaamijkan ayaa lagu bilaabayaa lix takhasus oo kala ah cudurrada guud, caafimaadka carruurta, haweenka iyo dhalmada, lafaha iyo dhaawacyada, raajada iyo sawirrada caafimaadka, iyo qalliinka guud.
Takhasus kasta waxaa loo qaadanayaa lix ilaa siddeed dhakhtar, taasoo ka dhigan in guud ahaan barnaamijka lagu qaadanayo 40 dhakhtar. Muddada tababarkuna waxay ku kala duwanaan doontaa takhasusyada, iyadoo qaar ay qaadan doonaan saddex sano, halka kuwa kalena ay gaari karaan ilaa lix sano.