Mogadishu, (Dawan) – Jaamacadda Simad ayaa sanadkan ay joojisay afur-wadareedkii sanadlaha ahaa, kaas oo sannad kasta bilaha Ramadaanka lagu qaban jiray.
War-saxaafadeed ay jaamacaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in go’aankan cusub uu yahay mid ka tarjumaya mas’uuliyadda bulshada iyo xaaladda adag ee dalka ka jirta. Jaamacaddu waxay sheegtay in halkii lagu qaban lahaa afur-wadareed ballaaran, kaalmo toos ah loo gaarsiin doono dadka ay si daran u saameeyeen abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta Soomaaliya.
“Sanadkan, annaga oo ka duulayna mas'uuliyadda naga saaran bulshada, waxaan go'aansannay in afur-wadareedkii sannadlahaa ahaa aan u beddelno kaalmo toos ah oo la gaarsiinayo dadka ay sida daran u saameeyeen abaaraha iyo biyo-la'aanta ka jirta dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka jaamacadda.








