Muqdisho (Dawan)— Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo IBS Bank ayaa bilaabay barnaamij lagu taageerayo ardayda jaamacadda si ay fikradahooda hal-abuurka ah ugu beddelaan ganacsi, iyadoo la isku xirayo waxbarashada jaamacadda iyo maalgelinta ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. Barnaamijka Abuur ayaa 110 arday lagu xushay kaddib hannaan kala-xulasho ah, sida lagu sheegay munaasabadda daahfurka.
Ardaydu waxay lixda bilood ee ugu horreeya baran doonaan sida loo horumariyo fikradahooda looguna beddelo ganacsi. Intaas kaddib, IBS Bank ayaa maalgelin doona mashaariicda la xaqiijiyo inay shaqeyn karaan isla markaana faa’iido u leeyihiin Soomaaliya, sida ay sheegtay jaamacaddu. Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya fikrado ay ka mid yihiin tiknoolajiyadda, hal-abuurka, hantida aqooneed iyo ganacsiga, iyadoo ujeeddadu tahay in cilmi-baarista laga soo saaro heerka waxbarashada oo loo beddelo waxqabad iyo xalal wax-ku-ool ah.
Guddoomiyaha Jaamacadda Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in barnaamijku ardayda siinayo fursad ay fikradahooda ugu horumariyaan ganacsi, isla markaana ay gacan uga geystaan dhaqaalaha dalka.
Jaamacadda, oo dib loo hawlgeliyay 2014-kii, ayaa tan iyo xilligaas qaabishay in ka badan 16,000 arday, halka ay qalin-jabiyeen ku dhowaad 6,000, sida lagu sheegay xogta lagu soo bandhigay munaasabadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo sidoo kale ah madaxa sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa sheegay in jaamacaduhu aysan ku koobnaan soo saarista aqoonta oo keliya, balse ay sidoo kale hubiyaan in cilmi-baaristu saameyn wax-ku-ool ah ku yeelato bulshada. Wuxuu sheegay in barnaamijka Abuur uu gacan ka geysan karo in cilmi-baarista aan ku ekaan buugaagta iyo maktabadaha, balse loo beddelo wax-soo-saar iyo waxqabad.