Jabuuti (Dawan)— 20 mas’uul oo ka tirsan maamulka dowladda Jabuuti ayaa qaatay shahaadada Master-ka ee Maamulka Dadweynaha, kaddib markii ay dhammaysteen barnaamij ay iska kaashadeen Machadka Qaranka ee Maamulka Dadweynaha ee Jabuuti (INAP) iyo Machadka Maamulka Gobolka ee Lille (IRA) ee Faransiiska, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) Jimcihii.
Mas’uuliyiintan ayaa ah dufcaddii labaad ee barnaamijkan, kaas oo diiradda saaraya maamulka dadweynaha, maareynta iyo hirgelinta siyaasadaha dowladda. Munaasabadda qalin-jabinta oo ka dhacday hoolka ANEFIP waxaa ka qaybgalay Wasiirka Shaqada, Habaynta iyo Ilaalinta Bulshada ee Jabuuti, Yoonis Cali Geedi, Safiirka Faransiiska ee Jabuuti Jérôme Bresson, wakiillo ka socday Jaamacadda Polytechnic Hauts-de-France iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Wasiir Geedi ayaa sheegay in horumarinta xirfadaha mas’uuliyiinta dowladda ay muhiim u tahay casriyeynta hay’adaha dowladda, kor u qaadista waxqabadkooda iyo hagaajinta adeegyada loo fidiyo shacabka. Wuxuu qalin-jabiyayaasha ugu baaqay inay aqoontooda u adeegsadaan dowladda iyo danta guud, iyagoo muujinaya dadaal, masuuliyad iyo heer shaqo oo sare.