Jabuuti ( Dawan) – Jabuuti, oo hadda ah shir guddoonka Urur-goboleedka Horumarinta Bariga Afrika (IGAD), ayaa Axaddii caddeysay in go’aanka Suudaan ay dib ugu soo noqoneyso ururka uu xoojin doono dadaallada wadajirka ah ee lagu xasilinayo Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, tallaabadan waxaa lagu tilmaamay "mid muhiim u ah" isku-duubnida gobolka.
Dib-u-soo-noqoshadan ayaa timid ka dib mudduuayocdaotay dhexdhexaadin xooggan oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ah guddoomiyaha xilka haya.







