Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa yeeshay wadahadallo ku saabsan ballaarinta barnaamijka dhaqdhaqaaqa shaqaalaha, kaas oo loogu talagalay in dhalinyarada Jabuuti ay helaan fursado shaqo oo caalami ah.
Kulanka ayaa daba socday guulihii laga gaaray barnaamijka SKILLS, kaas oo suurageliyay in 16 darawal oo u dhashay Jabuuti ay shaqooyin ka helaan dalka Canada, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Wasiirka Shaqada ee Jabuuti, Yoonis Cali Guedi, ayaa la kulmay saraakiisha IOM si ay u qiimeeyaan natiijooyinka barnaamijkii tijaabada ahaa, isla markaana ay u qorsheeyaan wejiga xiga ee lagu ballaarinayo fursadaha shaqo.