Jabuuti (Dawan) – Jabuuti iyo Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah dhagax-dhigay mashruuc dhuumo shidaal oo dhererkiisu yahay 120 KM, kaas oo isku xiri doona terminalka shidaalka ee Damerjog ee Jabuuti iyo Dewele oo ku taalla xadka Itoobiya, iyadoo mashruucan loogu talagalay in lagu fududeeyo sahayda shidaalka Itoobiya, laguna yareeyo kharashaadka iyo dib-u-dhacyada gaadiidka shidaalka.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxa shirkadda Dangote Group, Aliko Dangote, ayaa ka qaybgalay munaasabadda dhagax-dhigga oo lagu qabtay aagga warshadaha Damerjog ee Jabuuti.
Mashruuca waxaa iska kaashanaya Ethiopian Investment Holdings iyo Dangote Group, waxaana wejigiisa hore lagu maalgelinayaa $160 milyan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti. Qorshaha ayaa marka hore lagu dhisayaa terminal weyn oo lagu kaydiyo shidaalka, kaas oo qaadi kara 375,000 mitir kuyuubik, isla markaana awood u yeelan doona inuu sannadkii maareeyo shan milyan oo tan oo batroolka ah. Terminalka ayaa si toos ah loogu xiri doonaa khadka tareenka Damerjog–Nagad, waxaana sidoo kale lagu xiri doonaa dekedda Damerjog iyada oo loo marayo nidaam isku xira kaabayaasha shidaalka.
Dhismaha terminalka ayaa gogol-xaar u noqonaya wejiga weyn ee mashruuca oo ah dhuumaha 120 KM ah ee qaadi doona shidaalka la sifeeyay, kuwaas oo ka soo bixi doona Damerjog una gudbi doona Dewele oo ku taalla dhinaca xadka Itoobiya.