Jabuuti (Dawan) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Dr. Jaamac Maxamed Xasan, ayaa Axaddii kulan la yeeshay Safiirka Masar u fadhiya Jabuuti, Cabdiraxmaan Raafat Khaddaab, si looga wada hadlo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti, kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan dhinacyada tamarta la cusboonaysiin karo iyo koronto gaarsiinta deegaanada miyiga.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo wanaajin lahaa isticmaalka awoodda laga helo xarunta tamarta qorraxda ee Omar Jaggaa ee gobolka Arta, taas oo qayb ka ah mashaariicda iskaashiga tamarta ee u dhexeeya Jabuuti iyo Masar.
Waxay sidoo kale falanqeeyeen fursadaha lagu adeegsan karo teknoolojiyadda tamarta qorraxda lagu ururiyo (CSP), si koronto loogu gaarsiiyo deegaanada fogfog ee dalka, loona ballaariyo helitaanka adeegyada korontada.