Jabuuti (Dawan)- Jabuuti iyo Masar ayaa ka wada hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan amniga Badda Cas oo ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee isku xira ganacsiga caalamiga ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, ahna Afhayeenka Dowladda, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa Sabtidii khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo dhowr ah oo gobolka ka taagan.
Labada wasiir ayaa qiimeeyay xiriirka labada dal, iyagoo isla eegay siyaabaha loo sii xoojin karo iskaashiga Jabuuti iyo Masar ee dhinacyada kala duwan.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladaha ka jira dalalka Carabta iyo Afrika, iyo isbeddellada ka socda Badda Cas, oo ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah labada dal.
Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay baahida loo qabo isku-xirnaan iyo wadatashi joogto ah oo ku saabsan arrimaha gobolka, si looga qayb qaato xoojinta amniga iyo xasilloonida, xilli gobolka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.