Jabuuti (Dawan) - Wafdi heer sare ah oo ka socda Maamulka Dekedaha Namiibiya (Namport) ayaa booqasho farsamo ku yimid Jabuuti, si ay uga faaiidaystaan khibradda nidaamka maaraynta dijitaalka ah ee dekedaha dalka, iyo si ay u eegaan kaabeyaasha gaadiidka ee Jabuuti, iyadoo la tixgelinayo isku xirka ganacsiga iyo horumarinta marinnada xamuulka. Booqashada waxaa martigeliyay Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) Taladadii, iyadoo kulammadu ka dhaceen xarunta Red Sea World.
Wafdiga oo uu hoggaaminayay Henoch Gariseb, Agaasimaha Teknolojiyadda Xogta ee Namport, ayaa diiradda saaray Nidaamka Bulshada Dekedaha Jabuuti (DPCS) – barxad dijitaal ah oo la hirgeliyay sanadkii 2018.
Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ka soo baxday DPFZA, DPCS wuxuu isku xiraa hay’adaha muhiimka ah ee silsiladda sahayda – sida kastamka, dekedaha, gaadiidleyda, shirkadaha xamuulka, iyo aagagga xorta ah – si loo fududeeyo habraacyada ganacsi iyo kor loogu qaado hufnaanta la socodka xamuulka.
DPFZA ayaa sheegtay in DPCS uu hoos u dhigay tallaabooyinkii gacanta ee rarista xamuulka, una beddelay nidaam dijitaal ah, iyadoo celceliska waqtiga habaynta xamuulka uu hadda yahay wax ka yar hal saac.
Nidaamkan ayaa si toos ah uga shaqeeya dekedaha waaweyn iyo aagagga xorta ah ee Jabuuti, wuxuuna taageeraa raadinta xamuulka ee waqtiga-dhabta ah, gaar ahaan marinka muhiimka ah ee Jabuuti–Itoobiya.
Sidoo kale, Nidaamka DPCS ayaa loo adeegsadaa barnaamijka Sea-Air Cargo oo isku xira Jabuuti iyo 25 waddan iyo 28 magaalo oo Afrika ah, oo ay ku jirto adeegga gaarsiinta xamuulka ee Windhoek, Namiibiya.