Muqdisho (Dawan) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegtay in gogosha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay “dhowaan furmi doonto”, iyadoo ay socdaan xiriirrada lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay.
“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay wargelinaysaa in xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran ay socdaan, taas oo qayb ka ah diyaar-garowga shirka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa casuumaadda gogosha fidiyay 26-kii Oktoobar. Madaxtooyada ayaa hore u sheegtay in kulanku ka dhici doono magaalada Muqdisho muddada u dhexeysa 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar. Hase yeeshee, bayaanka Sabtida la soo saaray laguma sheegin saacadda ay gogoshu furmi doonto iyo goobta gaarka ah ee lagu qabanayo.