Doxa, 23 Sebteembar 2025 – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada Jabuuti, Ridwaan Cabdillahi Bahdon, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Doha dhiggiisa Qatar, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Macluumaadka Maxamed Al-Manai intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee Qatar, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Kulanka oo dhacay Isniintii waxaa sidoo kale ka qeybgalay Safiirka Jabuuti ee Qatar, Dayib Doubad Robleh, iyo Agaasimaha Guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka Jabuuti (RTD), Aadan Cabdi Jaamac.
Wakaaladda ayaa warisay in wadahadalladu ay ku salaysnaayeen heshiis is-afgarad horey loogu saxiixay labada dal, kaas oo loo arko saldhig lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada isgaarsiinta iyo Techlogiyadda. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradda, wareejinta aqoonta, iyo hirgelinta mashaariic wadajir ah oo lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah horumarinta qarannimada iyo madaxbannaanida.
“Waxaan rabnaa inaan ka gudubno dhinacyada farsamada oo keliya, aanna dhisno aragti wadajir ah,” ayuu yiri Wasiir Bahdon. Waxa kale oo uu muujiyay cambaareynta xooggan ee Jabuuti ku wajahan weerarkii dhawaan lagu beegsaday Qatar.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Dhiggiisa Qatar ayaa soo dhaweeyay taageerada Jabuuti, wuxuuna xaqiijiyay ballanqaadka dowladdiisu ku doonayso “in si waara loo xoojiyo” iskaashiga labada dhinac. Sida ay qortay ADI, safiirka Jabuuti ee Doha ayaa loo xilsaaray kormeerka iyo daba-galka mashaariicda lagu heshiiyay.
Kulankan ayaa qayb ka ah silsilad wadahadallo heer sare ah oo Wasiir Bahdon uu ku leeyahay magaalada Doha, taas oo sida ay Wakaaladda sheegtay muujinaysa rabitaanka labada dal ee ah in la adkeeyo xiriirkooda iskaashiga isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada macluumaadka.