Dooxa (Dawan) – Jabuuti iyo Qatar ayaa shalay kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada awqaafta iyo arrimaha Islaamka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI. Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta Jabuuti, Moumin Hassan Barreh, iyo dhiggiisa Qatar, Ghanem bin Shaheen bin Ghanem Al Ghanim, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socday labada dal.
Heshiiska ayaa dhigaya hannaan rasmi ah oo labada wasaaradood ay isku dhaafsanayaan khibradaha iyo hababka shaqo, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maamulka hantida awqaafta.
Labada dhinac ayaa sidoo kale qorsheynaya barnaamijyo wadajir ah oo lagu horumarinayo qiyamka Islaamka, isla markaana lagu taageerayo yoolalka horumarineed ee waara.