Sacuudi Carabiya, 25 Oktoobar 2025 — Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) ayaa ku dhawaaqay in la saxiixay heshiis 30 sano ah oo shirkadda Red Sea Gateway Terminal (RSGT) ee Sacuudi Carabiya lagu siinayo xuquuqda maamulka iyo horumarinta Dekedda Tajuura, taas oo mas’uuliyiintu ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo lagu ballaarinayo kaabayaasha dekedaha dalka.
Heshiiskan, oo lagu saxiixay magaalada Jidda xarunta dhexe ee RSGT, ayaa daba socda Is-afgarad (MoU) ay labada dhinac kala saxiixdeen Maarso 2025, wuxuuna muujinayaa xoojinta iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Jabuuti iyo Sacuudi Carabiya gaar ahaan dhinacyada dekedaha iyo gaadiidka badda.
Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Abuubakar Cumar Haadi, Guddoomiyaha DPFZA; Daayaaudiin Saciid Bamakhrama, Safiirka Jabuuti u fadhiya Sacuudiga; iyo Jens O. Floe, Maareeyaha Guud ee RSGT. Heshiiska waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Kamil Maxamed Gorah, Guddoomiyaha Dekedda Tajuura, iyo Gagan Seksaria, Agaasimaha Maalgashiga ee RSGT.
Heshiiska 30 sano ah ayaa dhigaya in RSGT ay dib u dhis iyo maamul buuxa ku samayso Dekedda Tajuura, taas oo loo beddeli doono deked hawlo badan leh, isla markaana awood u leh in ay sannadkiiba maareyso shaqooyin ka badan shan milyan oo tan. Dekeddu waxay noqon doontaa marin muhiim ah oo loogu adeego dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka Itoobiya — sida macdanta potash, bacriminta, badarka, qalabka dhismaha, iyo konteenarrada.
Qorshuhu sidoo kale wuxuu ku jiraa in la dhiso aag ganacsi oo canshuur-dhaaf ah (free zone) si loo soo jiito maalgashi shisheeye loona kobciyo adeegyada kaydinta iyo saadka (logistics).
Maamulka DPFZA ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri:“Iskaashiga u dhexeeya RSGT iyo DPFZA ee horumarinta Dekedda Tajuura wuxuu sii xoojinayaa kaalinta istiraatiijiga ah ee Jabuuti ee ah xarun ganacsi iyo badeed oo muhiim ah Geeska Afrika iyo Badda Cas, taas oo isku xiraysa Afrika, Bariga Dhexe, iyo suuqyada caalamka.”
Dekedda Tajuura, oo markii hore la furay 2017, ayaa loogu talagalay in ay dhoofiso macdanta potash ee laga qodo gobolka Afar ee Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, howlaha dekedda oo xadidan iyo caqabado dhanka kaabayaasha ah ayaa hakiyey horumarkeeda — arrintaas oo hadda la filayo in iskaashigan cusub ee Sacuudiga uu wax ka qabto.




