Jabuuti (Dawan) – Iyadoo caqabadaha amni ee Badda Cas ay cadaadis saarayaan isu-socodka maraakiibta caalamiga ah, Jabuuti iyo shirkadda Pacific International Lines (PIL) ee laga leeyahay Singapore ayaa ka wada hadlay sidii loo ilaalin lahaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga, loona kordhin lahaa xaddiga badeecadaha mara dekedaha dalkaas.
Guddoomiyaha Dekedaha Jabuuti, Aboubaker Omar Hadi. ayaa isniintii Xarunta Red Sea World Centre ku qaabilay Ng Hui Khoon, Maareeyaha Guud ee PIL, oo ka mid ah shirkadaha muddada dheer adeegyada maraakiibta iyo konteenarrada ka waday Jabuuti.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Naline Khotari, wakiilka PIL ee Jabuuti, iyo Cabdillaahi Cadaawe Sigad, Maareeyaha Guud ee Dekedda Konteenarrada ee Doraleh. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joogtayn lahaa mugga ganacsiga iyo xamuulka mara dekedaha Jabuuti, isla markaana loo sii ballaarin lahaa iskaashiga labada dhinac, xilli qalalaasaha Badda Cas uu saameyn ku yeeshay khadadka maraakiibta iyo silsiladaha sahayda caalamiga ah.
Xiriirka PIL iyo Jabuuti ayaa soo bilowday sannadkii 1984-kii, markaas oo shirkaddu ka mid noqotay khadadkii maraakiibta ee ugu horreeyay ee dalka ka hawlgala. Muddo 42 sano ah ayay sii joogtaysay hawlaheeda, iyadoo door ka qaadatay kobaca isu-socodka konteenarrada ee dekedaha Jabuuti.