Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wasiirka Jaamacadaha iyo Cilmi-baarista ee Talyaaniga, Anna Maria Bernini, si ay uga wada hadlaan ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo amniga, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal ee dhinacyada tamarta, beeraha, cilmi-baarista iyo waxbarashada jaamacadaha.
Labada dhinac waxay sidoo kale isla soo qaadeen iskaashiga difaaca iyo amniga, gaar ahaan ilaalinta marin-biyoodka caalamiga ah ee Bab al-Mandab, oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana ay ka jiraan xiisado amni oo isa soo taraya.
Bernini ayaa Sabtidii timid Jabuuti iyadoo hoggaaminaysa wafdi ay ka mid ahaayeen Madaxa Xafiiskeeda Professor Massimo Robecchi, Lataliyaha Sare Stefania Costanza iyo Safiirka Talyaaniga ee Jabuuti Fabrizio Saggio.
Kulanka waxaa dhinaca Jabuuti kaga qeyb galay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ku meel gaarka ah ahna Wasiirka Tamarta Jaamac Maxamed Xasan, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale iyo Lataliyaha Diblomaasiyadda ee Madaxweynaha Faadumo Jaamac Cawdiin.