Jabuuti (Dawan) – Ku-xigeenka Wasiirka Maamul-daadejinta ee Jabuuti, Cumar Xuseen Cumar , ayaa Axaddii magaalada Jabuuti kula kulmay madaxa howlgalka UNHCR ee Jabuuti, Alexandre Coissac, si ay uga wada hadlaan horumarinta deegaannada iyo arrimaha la xiriira isu-socodka dadka sida ay soo warisay Wakaalada Wararka Jabuuti (ADI).
Kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Qaramada Midoobay, iyadoo diiradda la saaray taageerada maamullada hoose iyo horumarinta deegaannada kala duwan ee dalka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga iyo samaynta iskaashi cusub oo wax ka tari kara baahiyaha bulshada deegaanka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wakaaladda Wararka Jabuuti.