Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti iyo Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa maanta ku baaqay tallaabooyin degdeg ah si wax looga qabto xaaladda walwalka leh ee ka jirta meelaha lagu soo dhaweeyo qaxootiga, iyadoo labadoodaba ay ku wada qaateen kulan Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadeed ee Jabuuti.
Baaqan waxaa loo sameeyay in la isugu keeno saaxiibada farsamo iyo maaliyadeed si loo soo bandhigo ficillo dhab ah oo wax looga qabanayo xaaladda ka jirta meelaha lagu soo dhaweeyo qaxootiga.
Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, oo ka hadlay kulanka, ayaa yiri: “Waxaan wajahaynaa xaalad adag oo ku saabsan ilaalinta qaxootiga ilaa bilowgii sanadkan.”