Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada dowlad wanaagga iyo dib-u-habaynta sharci-dejinta, kaddib kulan ay yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Safiirka Midowga Yurub, sida ay warisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) maalintii Talaadada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita, ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Jabuuti, Denisa-Elena Ionete, oo ay wehelinayeen wafdi ka socday Machadka Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda iyo Kaalmada Doorashooyinka (International IDEA).
Kulankan ayaa qayb ka ah barnaamij uu maalgeliyo Midowga Yurub, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya baarlamaannada dalalka Midowga Yurub iyo baarlamaannada kale ee caalamka, si loo fududeeyo is-weydaarsiga khibradaha loona dardargeliyo horumarinta awoodda hay’adaha.
