Jabuuti, 3 Febraayo 2026 (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u hirgelisay Isniintii mashaariic muhiim ah oo loogu talagalay dardargelinta gurmadka bulshada rayidka ah iyo horumarinta adeegyada bulshada ee degmada Ubokh.
Xarig-jarka mashaariicdan waxaa si rasmi ah u sameeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Iskaashiga Qaran, Uluufa Ismaaciil, waxaana mashaariicdan ka mid ahaa furitaanka xarunta keedka cuntada ee magaalada Ubokh iyo xarunta Wakaalada Jabuuti ee Horumarinta Bulshada.
Xarunta keedka cuntada ee Ubokh ayaa bixineysa adeegyo kala duwan oo bulshada loogu adeego, waxaana la filayaa inay dardargeliso gurmadka dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada hoos yimaada degmada.
Wasiir Uluufa ayaa intaa ku dartay in qorshayaasha dowladdu ay ka mid yihiin ballaarinta xarunta iyo qalabeynteeda, si mar walba loo heli karo adeegyo dhameystiran oo wax ka taraya baahiyaha bulshada.







