Jabuuti (Dawan) — Ciidanka Ammaanka Qaranka Jabuuti ayaa 180 qof ku xiray hawlgal ballaaran oo ka dhan ah dambiyada, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Hawlgalka oo la fuliyay Khamiistii ayaa lagu bartilmaameedsaday dhowr goobood oo ay ciidamada ammaanku ku tilmaameen xarumo ay ku badan yihiin falalka dambiyada.
Wakaaladda ayaa sheegtay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno looga shakisan yahay kooxo burcad ah oo abaabulan, kuwaas oo qaarkood watay hub laguna tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen baad.