Jabuuti (Dawan) – Jabuuti ayaa kordhinaysa dadaallada lagu xoojinayo shaqo-abuurka dhalinyarada, kadib markii tobanaan dhalinyaro ah la siiyay shahaadooyin tababar xirfadeed, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Munaasabadda, oo ka dhacday Damerjog ee gobolka Arta Talaadadii, ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo hay’ado horumarineed, sida lagu sheegay warbixinta.
Hay’adda Horumarinta Bulshada Jabuuti (ADDS) ayaa sheegtay in tababaradan ay ujeeddadiisu tahay in dhalinyarada lagu qalabeeyo xirfado u dhigma baahiyaha suuqa shaqada.
“Tababaradan waxay ka jawaabayaan baahiyaha dhabta ah ee suuqa, waxayna yihiin aalad muhiim u ah awood-siinta dhallinyarada,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee ADDS.


