Jabuuti, 31 Janaayo 2026 – Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, Zakariye Sheekh Ibraahim, ayaa la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Faransiiska, Jeneraal Fabien Mandon, oo booqasho ku jooga dalkaas, si looga wada hadlo iskaashi istaraatiiji ah iyo arrimaha amniga gobolka.
Wada-hadalladu waxay diiradda saareen casriyeynta xiriirka difaac ee labada dal, oo ay ku jiraan tababaro wadajir ah iyo wadaagista xogta sirdoonka. Faransiiska w axaa Jabuuti ka jooga ku dhawaad 1,500 askari, iyadoo dalkaasi martigeliyo saldhiggiisa militari ee ugu weyn Afrika.
Intii uu booqashada ku sugnaa, Jeneraal Mandon waxaa la guddoonsiiyay billadda ugu sarreysa ee milatari ee Jabuuti, Xiddigta Weyn ee Jabuuti (Grand Star of Djibouti), taas oo lagu maamuusay saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo iskaashiga dhow ee labada ciidan.







