Jabuuti – 9 Disembar 2025- (Dawan)- Dawladda Jabuuti ayaa billawday barnaamij talaal qaran oo loogu talagalay gabdhaha da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 14 sano, si looga hortago cudurka kansarka minka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalka.
Barnaamijka talaalka Human Papillomavirus (HPV) oo billawday 7-dii bishaan ayaa socon doona ilaa 12 Disembar 2025, waxaana tallaalka lagu bixinayaa lacag la’aan. Tallaalkan ayaa loogu talagalay gabdhaha da’da yar , kuwaas oo loo aqoonsaday inay u nugulyihiin cudurkan.
Munaasabadda lagu daah-furay talaalkan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka, Axmed Rooble Cabdille, wasiirrada Waxbarashada iyo Arrimaha Haweenka, wakiilka UNICEF, iyo mas’uuliyiin kale oo sare. Wasiir Rooble ayaa xusay muhiimadda tallaalkan, isaga oo sheegay in barnaamijku yahay tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo halista cudurka kansarka ee gabdhaha.
Beate Dastel, wakiilka UNICEF ee Jabuuti, ayaa xaqiijisay taageerada hay’adda ee barnaamijka, iyadoo tiri: “UNICEF waxay si toos ah u xoojineysaa garab-galka iyo taageerada Wasaaradda Caafimaadka.”







