Jabuuti, 28 Oktoobar 2025 — Xarunta Daraasaadka iyo Cilmi-baarista Jabuuti( CERD)ayaa Isniintii si rasmi ah u daahfurtay shaybaar cusub oo lagu baaro culuumta xagga beeraha, si kor loogu qaado tayada cilmi-baarista iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha dalka.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa guddoomiyey Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista, Nabiil Axmed, waxaana goobta joogay Agaasimaha Guud ee Xarunta CERD, Jalaaludiin Maxamed, cilmi-baarayaal, aqoonyahanno iyo farsamayaqanno ku takhasusay cilmiga beeraha.
Intii ay socotay munaasabadda, wasiirka ayaa booqday qaybaha kala duwan ee shaybaarka, isagoo ku amaanay kooxaha cilmi-baarayaasha ee ka shaqeynaya xarunta dadaalkooda ku aaddan kobcinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka beeraha. Waxa uu si gaar ah u indha-indheeyey qalabka casriga ah ee lagu tijaabiyo carrada, dhirta iyo miraha, kuwaas oo loogu talagalay in lagu ogaado tayada dhulka iyo nafaqada geedaha.
Mas’uuliyiinta xarunta CERD ayaa sheegay in ujeeddada shaybaarkan ay tahay in la barto kheyraadka dabiiciga ah ee dhulka ku jira, gaar ahaan qaybta beeraha, si loo ogaado goobaha ku habboon dalagyada iyo heerka macdanta ee carrada.
“Laba ujeeddo ayaan u aasaasnay shaybaarkan — in la helo miro tayo leh oo ku habboon cimilada dalka, iyo in la barto dhulka meelaha kheyraadku ku badan yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Daahir, agaasimaha Machadka Cilmiga Nolosha ee CERD.
Shaybaarkan cusub ayaa lagu tilmaamay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo cilmi-baarista beeraha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, isla markaana kor u qaadi doona awoodda dalka ee isku filnaanta cunnada iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha gudaha.



