Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Dr. Kaamil Al-Tayyib Idiris, oo maanta booqasho ku tegay dalkaas, iyagoo ka wada hadlay xaaladda nabadeynta Suudaan iyo kaalinta Jabuuti iyo urur-goboleedka IGAD ay ku leeyihiin dadaallada lagu xallinayo colaadda ka taagan dalkaas.
Kulankan ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Jabuuti ay ka qaadanayso hoggaaminta dadaallada nabadeed ee gobolka, iyo sida ay uga go’an tahay taageeridda xalal waara oo lagu soo afjarayo colaadaha ka jira Geeska Afrika.
Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan tan iyo Abriil 2023, kaas oo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho, dhaawacyo, barakac baahsan iyo burbur dhaqaale. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Ra’iisul Wasaaraha Suudaan u xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Jabuuti ay siineyso geeddi-socod kasta oo horseedaya nabad iyo xasillooni ka hanaqaadda Suudaan.







