Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa sameysay qiimeyn hordhac ah oo ku saabsan barnaamij loogu fududeynayo dhallinyarada dalka inay helaan fursado shaqo oo ka baxsan dalka, gaar ahaan dalka Kanada.
Kulanka guddiga hagaya barnaamijka ,waxaa guddoomiyay Wasiirka Shaqada, Arrimaha Rasmiyeynta iyo Ilaalinta Bulshada, Yoonis Cali Geedi, kaas oo Khamiistii shir la yeeshay guddiga u xilsaaran barnaamijka dhaqdhaqaaqa shaqo ee dhallinyarada reer Jabuuti.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah siyaasadda dowladda Jabuuti ee horumarinta shaqo-abuurka dhallinyarada. Ujeeddadiisu waa in dhallinyarada loo abuuro waddooyin sharci ah oo ay ku heli karaan fursado shaqo oo caalami ah, iyadoo sidoo kale kor loo qaadayo xirfadahooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Dufcaddii ugu horreysay ee dhallinyarada Jabuuti loogu diyaariyey shaqooyin Canada waxay ka koobnayd darawallada gawaarida xamuulka culus, kuwaas oo noqday tijaabadii ugu horreysay ee barnaamijkan.
Sida lagu sheegay xogtii kulanka lagu soo bandhigay, inta badan musharraxiintii ka qeyb galay barnaamijka ayaa si guul leh uga gudbay marxaladihii kala duwanaa ee xulashada iyo diyaarinta. Qaar badan oo ka mid ah ayaa hadda shaqooyinkooda ka wada Canada.
Guddigu wuxuu sidoo kale si gaar ah u eegay xaaladda dhallinyaradii codsatay in loo sameeyo tababar dheeraad ah ama xirfad-beddel, si loo siiyo taageero ku habboon baahidooda looguna diyaariyo fursado shaqo oo kale.