Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhagax dhigay dhismaha xaafad cusub oo laga hirgelinayo deegaanka Nagad, taasoo ka koobnaan doonta in ka badan 7,000 guri, sida ay warisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Mashruuca oo loo bixiyay “Salam City” ayaa lagu bilaabay munaasabad dhagax-dhig ah oo la qabtay maanta oo Isniin ah, waxaana fulinaya Bangiga Salam African Bank, sida ay sheegtay ADI.
Wajiga koowaad ee mashruuca ayaa ka koobnaan doona 1,300 guri, kuwaas oo la filayo in la dhammeeyo dhammaadka sanadka 2026.
Xaafadda la qorsheynayo ayaa bixin doonta noocyo kala duwan oo guryo ah, oo ay ku jiraan guryo jaban, dabaqyo, iyo sidoo kale villa-yo iyo guryo heer sare ah, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee bulshada.
