Djibouti 20 September 2025 – Xafiiska Qaran ee Biyaha iyo Nadaafadda Jabuuti ONEAD ayaa howlgallo degdeg ah ka fulisay magaalada Djibouti kaddib roobab xooggan oo shalay ka da’ay caasimadda, kuwaas oo sababay in wadooyin waaweyn ay biya fadhiistaan. howsha ayaa ahayd mid ballaaran, iyadoo la adeegsanayo qalab muhiim ah oo biyaha wadooyinka ka qaada iyo gawaarida waawayn ee booyadaha, si loo xakameeyo xaaladda biyaha wadooyinka iyo saameynta ay ku yeesheen isku socodka gaadiidka iyo dadka.
Madaxda ONEAD ayaa kormeer shaqo ku tagay wadooyinka si ay u qiimeeyaan heerka biyaha, isla markaana loo qorsheeyo talaabooyinka lagama maarmaanka ah. Shaqaalaha xafiiska ayaa heegan buuxa la galiyay, si looga jawaabo baahiyaha degdegga ah ee ka dhashay roobabka iyo kuwa kale oo laga cabsi qabo.
Kormeerka goobaha biyaha ayaa waxaa sameeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka xaafadda 3aad ee caasimadda Jabuuti iyo buxno ka socda Xafiiska ONEAD, kuwaas oo hubiyay isku-duwidda waxqabadka xafiiska ee arrintan ku lug leh.
Gudoomiye ku xigeenka xaafadda 3aad ee caasimadda jabuuti, Heybeh Xareed Gadiid, oo ka mid ah masuuliyiinta, ayaa sheegay:
“Roobka maanta ka da’ay magaalada Djibouti wuxuu sababay biyo xooggan, balse nasiib wanaag wax dhibaato ah oo weyn ma jirto. Shaqaalaha xafiisyada iyo kuwa booliiska ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay in biyihii wadooyinka istaagay si habsami leh u maareeyay. Tudooyinkii wadooyinkii waa la furay, dhaq-dhaqaaqa magaalada waa uu socdaa” ayuu Yiri Haybe
Xafiiska ONEAD ayaa lagu amaanay sida ay u habeysay shaqaalaha iyo qalabka si ay u xaqiijiso in bulshada iyo gaadiidku aysan la kulmin carqalad weyn, iyadoo tallaabo degdeg ah laga qaaday ka hortagga saameynta roobabka.