Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa billowday dadaal lagu yareynayo farqiga u dhexeeya waxbarashada iyo shaqada, kadib markii Wasaaradaha Shaqada iyo Waxbarashada ay Khamiistii saxiixeen heshiis iskaashi oo cusub oo lagu xoojinayo tayeynta shaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Heshiiskan ayaa mideynaya Xarunta Tababarka Waxbarashada Qaranka (CFEN), Hay’adda Qaranka ee Shaqada, Tababarka iyo Meelaynta Xirfadaha (ANEFIP), iyo Machadka Qaranka ee Maamulka Dadweynaha (INAP), si loo hagaajiyo isku xirka tababarka iyo baahiyaha suuqa shaqada.
Ujeeddada heshiiska ayaa ah in la waafajiyo nidaamyada tababarka xirfadeed baahiyaha suuqa shaqada, isla markaana la kordhiyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada qalin-jabisay.
Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa ka qeyb galay Wasiirka Shaqada, Yoonis Cali Geedi, iyo Wasiirka Waxbarashada Qaranka iyo Tababarka Farsamada, Mustafe Maxamed Maxamuud, iyo saraakiil kale oo ka socday labada wasaaradood iyo hay’adaha ay khuseyso.
Heshiiska ayaa sidoo kale diiradda saaraya horumarinta barnaamijyada tababarka, xoojinta waxbarashada joogtada ah, fududeynta tababarada shaqo (internships), iyo kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha maamulka dowladda.