Jabuuti, 30 Sebtembar (Dawan Africa) – Ciidanka qalabka sida ee Jabuuti ayaa furay dugsigii ugu horreeyay ee si gaar ah loogu talagalay tababarka saraakiil xigeennada, arrintaas oo mas’uuliyiintu ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo awoodda amniga dalka, sida uu baahiyey Telefishinka Qaranka Jabuuti .
Munaasabadda furitaanka, oo Isniintii ka dhacday deegaanka Holhol, waxaa hoggaaminayay Taliyaha guud ee ciidamada, Zakariye Sheekh Ibraahim, waxaana goob joog ahaa saraakiil sare oo boolis iyo amni ah, sida uu sheegay RTD.
Dugsigan oo loogu magac daray Madaxweynihii hore e jabuti ayaa lagu bixin doonaa barnaamijyo tababar oo si gaar ah loogu diyaariyay saraakiil ku-xigeenno, kuwaas oo dabooli doona xirfadaha amni iyo hawlgal ee muhiimka ah. Manhajka dugsiga ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo xirfadaha iyo tayada ciidamada.
Fasalka ugu horreeya waxaa ka mid ah 307 arday, oo ay ku jiraan 47 haween ah, kuwaas oo bilaabi doona tababarrada joogtada ah.
Saraakiisha milateriga ayaa sheegay in dugsigan cusub uu ka tarjumayo dadaallada Jabuuti ee lagu dhisayo ciidan xirfad iyo aqoon leh, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo in la daboolo baahiyaha amni ee sii kordhaya ee Jabuuti.