Jabuuti, 23 Febraayo 2026 (Dawan)– Dowladda Jabuuti ayaa gacanta ku dhigtay shabakad dambiilayaal ah oo ku takhasustay sameynta dukumentiyada been-abuurka waraaqaha rasmiga ah ee loogu talagalay codsiyada fiisaha (visa), sida ay maanta oo Isniin ah uu ku dhawaaqay Booliska dalkaas
Guutada Baarista iyo Ergooyinka Garsoorka (BEDJ) ee Maamulka Dhexe ayaabilaabay baaritaanka kaddib markii qof looga shakisan yahay lagu qabtay xadka Looycadde, isagoo wata dukumentiyo been-abuur ah xilli lagu guda jiray baaritaan aqoonsi oo caadi ah.
Baaritaannadii xigay ayaa shaaca ka qaaday qorshe si habaysan loo maamulayay oo loo adeegsaday soo saarista bayaannada bangiga, diiwaannada mushaharka, iyo waraaqo kale oo rasmi ah oo si farsamaysan loo minguuriyey.
Khubaro farsamo oo ka tirsan Adeegga Dambiyada Internetka (Cybercrime Service) ayaa bixiyay taageero dhijitaal ah oo dambi-baariseed, iyagoo aqoonsaday qalabka iyo hababka ay adeegsanayeen kooxdu.







