Jabuuti (Dawan) – Jabuuti ayaa gargaar dib-u-dhis ah gaarsiisay 450 qoys oo nugul oo ku nool Mouloud, gobolka Dikhil, ku dhowaad laba toddobaad kadib markii dabaylo xooggan ay waxyeelleeyeen ama burburiyeen boqolaal guri, halka laba qof ay ku dhinteen, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) Talaadadii.
Hawlgalka gurmadka degdegga ah ee dowladda ayaa qoysaska ay dhibaatadu saameysay siiyay agab dib-u-dhis iyo taageero loogu talagalay kharashaadka shaqaalaha.
450-ka qoys ee helay gargaarka ayaa ka mid ahaa qoysaska ugu nugul, iyadoo guryahooda ay ka koobnaayeen hal qol, sida ay sheegtay ADI, waxayna raacisay in 213 qoys oo kale la filayo inay maalmaha soo socda helaan kaalmo dhaqaale iyo agab si ay dib ugu dhistaan guryahooda uguna soo laabtaan nolol caadi ah.
Hawlgalka gargaarka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Dikhil Xasan Cabdi Roobleh, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Gobolka Ibraahim Gouro Cabdallah, iyo Aamina Axmed Warsame, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Wadajirka.