Jabuuti Dawan) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Siciid Nuux Xasan, ayaa Arbacadii kormeeray diyaar-garowga ugu dambeeya ee doorashada madaxtooyada ee la qorsheeyay 10-ka Abriil, sida ay warisay Wakaaladda Wararka Dowladda Jabuuti ee ADI.
Warbixinta ADI ayaa sheegtay in howlaha diyaar-garowga uu galay marxaladdii ugu dambeysay, isla markaana ay u socdaan si waafaqsan jadwalka doorashada.
“Hawlgaladu waxay gaareen marxaladdii ugu dambeysay, waxayna u socdaan si lagu qanco, iyagoo waafaqsan waqtiyadii loo qorsheeyay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda, sida ay werisay ADI.
Wasiirka ayaa la kulmay mas’uuliyiinta maxalliga ah, isagoo ammaanay isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ku lug leh diyaarinta doorashada. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Jabuuti, Cabdi Xasan Axmed, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalka ilaa maalinta codbixinta.
Sida ay ADI sheegtay, diyaar-garowga ayaa diiradda lagu saaray laba arrimood oo waaweyn: tababarka shaqaalaha goobaha codbixinta iyo diyaarinta agabka doorashada.


