Geneva (Dawan) — Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa magaalada Geneva ku soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan horumarinta garaadka macmalka ah (AI), isku-xirnaanta dijitaalka iyo casriyeynta maamulka dowladeed, iyadoo sheegtay inay hiigsaneyso inay noqoto xarun tiknoolajiyadeed oo muhiim ah oo ku taalla Bariga Afrika.
Wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Casriga ah ee Jabuuti, Maxamed Cabdulqaadir Muuse Helem, ayaa hoggaaminaya wafdiga dalkaas uga qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Bulshada Macluumaadka ee WSIS+20 High-Level Event 2026, oo ka socota Geneva inta u dhexeysa 7 illaa 11 July, iyo shirweynaha caalamiga ah ee AI for Good Global Summit oo ay qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.
Madashan caalamiga ah ayaa isu keentay in ka badan 2,500 oo kaqeybgale, kuwaas oo ay ku jiraan wasiirro, madax ka socota hay’adaha caalamiga ah iyo shirkado waaweyn oo ka shaqeeya tiknoolajiyadda iyo isgaarsiinta.
Wasiir Helem ayaa sheegay in isbeddelka dijitaalka ah uu yahay aalad muhiim u ah dardargelinta horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Jabuuti, isagoo carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu doonayo nidaam dijitaal ah oo ammaan ah, loo dhan yahay isla markaana dhiirrigeliya hal-abuurka.