Jabuuti, 19 Oktoobar 2025 — Hay’adaha Jabuuti ayaa Sabtidii gubay 3,500 kiilo oo Jaad ah oo laga qabtay hawlgal amni oo lagu beegsanayay tahriibka xuduudaha.
Hawlgalkan, oo ka dhacay gobolka Ali Sabieh, ayaa waxaa ka qeyb qaatay saraakiisha Canshuuraha iyo ciidamada amniga, kuwaas oo ka hortagay raris sharci-darrada ah ee loo waday caasimadda, Magaalada Jabuuti.
Saraakiisha Canshuuraha ee gobolka ka howl-galay ayaa goobta ka sheegay in burburinta ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu la dagaallamayo tahriibka iyo ganacsiga aan sharciga lahayn, kuwaas oo ay tilmaameen in uu wax u dhimayo dhaqaalaha dalka isla markaana uu dowladda ka hor istaago dakhliga canshuuraha.
Taad-ka la qabtay ayaa goob fagaare ah lagu gubay, iyadoo saraakiishu adkeeyeen go’aanka dowladda ee ah ilaalinta shuruucda Canshuuraha iyo difaaca danaha dhaqaale ee Jabuuti.
Tani ma aha markii ugu horeysay ee hay’adaha Jabuuti ay burburiyaan Jaad si sharci-darro ah loo soo dejiyay, maadaama hawlgallo la mid ah horey looga fuliyay guud ahaan Jabuuti.


