Jabuuti (Dawan)— Dowladda Jabuuti iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ku baaqay gurmad qaran iyo mid caalami ah, kadib markii ay kordheen qaxootiga Yemeniyiinta ah ee maalmihii la soo dhaafay soo gaarayay dalkaas, sida ay soo warisay wakaalada wararka Jabuuti.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa ugu baaqday shacabka dalkaas, saaxiibbada gobolka, hay’adaha caalamiga ah iyo guud ahaan beesha caalamka inay si degdeg ah uga qaybqaataan gurmadka loogu talagalay dadka ka soo cararaya Yemen. Qaxootiga cusub ayaa inta badan gaaraya gobolka Obock, iyagoo ka soo tallaabaya biyaha u dhexeeya xeebaha Yemen iyo Jabuuti.